Daawo aqoonyahan ka hadlay sida looga dabaalan karo caqabadaha heysta horumarka Soomaaliya + Video

0
Want create site? Find Free WordPress Themes and plugins.

 

Dalka Soomaaliya oo muddo 25-sano ka badan ku jiray dagaallo sokeeye oo sababay burbur ku yimid dhammaanba heykalkii dowladnimada, nabadgelyo xumo, abaaro iyo duruufo dhinaca nolosha ah ayaa loo aaneynayaa laba sababood.

Cabdi Axmed Maxamed (Baafo) oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee u soo joogay xaaladda dalka iyo isbedeladii ka dhacayay ayaa wareysi uu siiyay shabakadda Dalsoor waxa uu daaha ka rogay qaabka looga gudbi karo labadaasi caqabadda ku noqday xasiloonida dalka Soomaaliya.

“Soomaaliya waxaa la yiraahdaa siyaasadda iyo nabadgelyada ayaa caqabad ku ah, waxaana looga gudbi karaa in la kobciyo dhaqaalaha dalka si ay dadka shaqo u helaan” ayuu yiri Aqoonyahan Baafo oo sheegay in laga faa’iideysto kheyraadka uu dalku leeyahay.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in dalka Soomaaliya uu leeyahay 8-Milyan Hektar oo ku wanaagsan dhul beereedka isla markaana ku wanaagsan eerista dalagyada noocyadooda kala duwan, isagoona sheegay in wax laga xumaado ay tahay dad gaajo darteed u geeriyoonaya.

 

Did you find apk for android? You can find new Free Android Games and apps.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.