Dhul-gariir xoogan ku dhuftay dalka South Africa

0
Want create site? Find Free WordPress Themes and plugins.

Dhul- gareiie xoogan oo aan horay loo sii fikeynin oo ku dhuftay maanta qeybo ka mid ah waqooyiga waddankan South Africa.

dhul-gariirkan oo lagu qiyaasay 5.2 qiyaasta loo yaqaano “Richter” ayaa abaara 05.08 am marqura luxay deegaanadaasi  ka tirsan dalkan gaar ahaan dhanka waqooyi, waxaana wararku ay sheegayaan in dhul-gariirku uu kasoo  bilowday 5 KM dhulka hoostiisa, iyadoo goobta uu dhul-gariirku ka dhacay ay aheyd meel  8 km  u jirta magaalada  Northwest town of Stilfontein, 41 kmna u jirta magaalada Potchefstroom.

dadka dagaan magaalooyinka Pretoria, Johannesburg, Orkney iyo  Klerksdorp ayaa ka mid ahaa dadka dareemay dhul-gariirkan, waxaana qaarkood oo aan weydiimay sida ay u dareemeen dhul-gariirka ay sheegeen in ay markii hore maleeyeen in uu train marayay meel iyaga ku dhow, hasayeeshee kuwa kale oo aad ugu dhawaa goobta uu ka dhacay dhul-gariirku waxay sheegeen in maleeynayeen in uu qof ama aalad guriga kor u qaadayo islamarkaana uu tuurayo.

wali ma oga haddi ay jiraan khasaaro nafeed waloow aanu shaki ku jirin in uu geystay dhul-gariirkan burbur hantiyadeed gaar ahaan midda maguurtada ah.

ma ahan markii uu uhu horreysay ee uu dhul-gariir ku dhufto dalkan hayeeshee marar sii horeysay ayaa waxaa dhacay dhul-gariiro noocan oo kale oo waliba ay qaarkood ka xoog badnaayeen kan maanta dhacay.

 

Did you find apk for android? You can find new Free Android Games and apps.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.