Diyaarado Dagaal oo Duqeeyey deegaano ka tirsan gobolka J/hoose

0
Want create site? Find Free WordPress Themes and plugins.

Wararka ka imaanaya gobolka J/hoose ee Koofurta Soomaaliya ayaa ku sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeeyeen deegaan ku dhaw Magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta lala beegsaday deegaanka Kaamjaroon oo qiyaastii 60km Koofur ka xiga Magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan Ururka Al Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Warbaahinta in duqeyntu ay aheyd mid xoogan, isla markaana dhawr gantaal lagu dhuftay deegaanka.

Lama Oga ilaa iyo hadda qasaaraha duqeyntaan ka soo gaaray dagaalamayaasha Al Shabaab oo fariisimo ku leh deegaanka Kaamjaroon, hase ahaatee dadka deegaanku waxa ay sheegeen in duqeynta ay wax yeelo badan u geysatay xoolo dad reer miyi ah ay lahaayeen oo ku sugnaa deegaanka.

waxaan sidoo kale aan La ogeyn wadanka laga leeyahay iyo cida ay ka Amar qaataan diyaaradaha duqeyntan fuliyay, laakiin waxaa inta badan deeganada Jubooyinka duqeymo ka fuliya diyaaradaha dagaalka Kenya.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Al Shabaab oo ku aadan duqeyntan ka dhacay deegaanka Kaamjaroon oo ay gacanta ku hayaan, waxaan sidoo kale jirin wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Jubalaand iyo Dowaldda dhexe ee Somalia oo ku aadan weerarkan dhacay iyo haddi lagu wargaliyay in howlgalgu uu dhacay iyo in kale, laakin inta badan waxaa la wada ogyahay in aysan dowladda dhexe iyo kuwa gobolada aysan ka warqabin duqeymaha noocan oo kale ee laga fuliyo meelo ka mid ah dalka.

Did you find apk for android? You can find new Free Android Games and apps.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.