Imaaraadka oo ku dhawaaqay Mashruuc lagu gargaarayo Soomaalida

0
Want create site? Find Free WordPress Themes and plugins.

Dowladda Imaaraadka carabta ayaa ku dhawaaqday barnaamij cusub oo gar-gaar bani’aadanimo lagu gaarsiinayo dadka  Soomaaliyeed ee abaaraha ay saameeyeen.

Barnaamijkan cusub ayaa dowladda ay sheegtay in loogu magac daray (Li Ajligaada soomaaliyeey – لأجلك يا صومال  For Your Sake SOMALIA), waxaana taakuleyntaasi iyo ololaha gar-gaar ka wada qeyb-qaadan doonna Dowladda Imaaraadka iyo shacabkeeda, ganacsatada Soomaalidda ee dalkaasi iyo hay’addaha gar-gaarka ka shaqeeya.

Dowladda Imaaraadka ayaa qorsheysay lacag gaareysa Boqol Milyan (100m) oo dirham, oo loogu talagalay dadka abaartu ku saameysay Soomaaliya.

Imaaradka ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in laga wada qayb qaato gar-gaark loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu ay saameeyeen, si xaaladooda nololeed ay u soo kabato.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa xili Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku dubaridka arrimaha beni’adanimo UNOCHA uu  sheegay in tirada dadka gar-gaarka u baahan ee ku sugan gudaha Soomaaliya in ay gaarayaan 6.2 milyan, taas oo ka dhigan kala bar dadka Soomaaliyeed.

Did you find apk for android? You can find new Free Android Games and apps.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.