Ra’iisal Wasaare Kheyre oo u hiiliyay afka Hooyo (Akhriso)

0
Want create site? Find Free WordPress Themes and plugins.

Biyo sacabadaada ayaa looga dhargaa, Dal walba wuxuu ku hormaraa afkiisa, luqadaha caalamka ee ka gudbay dhinaca xuduudaha waxaa safka hore kaga jira afka Soomaaliga, Ummad walba waxay Sharaf iyo qiimo ku leedahay adeegsiga afkeeda, hubaashii ruuxba ruuxa uu ka jecel yahay afkiisa waxaa lagu tilmaamaa inuu ka Wadanisan yahay isla markaana ka Qarinimo jecel yahay..

Nasiib wanaag si loo hormariyo afkeena hooyo ayaa maanta Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Md, Xasan Cali Kheyre waxa uu soo saaray amarkii ugu horeeyay ee ku socda Hey’addaha Dowladda, gaar ahaan Wasaaraddaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya..

Amarkan ayaa faraya Hey’addaha Qaranka inay qoraaladooda rasmiga ah lagu qoro luqadda Afkeena hooyo ee Soomaaliga, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu qalinka ku duugay wareegto arintaasi ku saabsan, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay mid lagu xoojinayo af-Soomaaliga oo muddooyinkii u dambeeyay ay weerar bahalnimo ah ku hayeen waxa loo yaqaano Af-Dilayaasha Caalamka, kuwaasi oo hoos u dhac xoog leh ku keenay afkeena hooyo.

Inta badan Wasaaraddaha Dowladda ayaa laga adeegsadaa luqado shisheeye, sida luqadda Ingiriiska oo inta badan qoraalada la isugu diro, Sannadkii 2015 ayay aheyd markii Madaxweynihii hore Xasan Sheekh uu soo saaray amar lagu farayo Hay’adaha Dowladda in qoraaladooda rasmiga ah lagu qoro Af-Soomaaliga, inkastoo aanu arrintaas wax badan ka dhaqan gelin.

Xeel dheerayaasha iyo af yaqaanka Soomaaliyeed ayaa rumeysan sababaha uu Af-Soomaaliga hoos ugu sii dhacayo inay tahay iyadoo Xafiisyada Dowladda aan laga adeegsan, taasna ay ugu wacan tahay xubnaha Dowladda u shaqeeya sida Wasiirada oo u badan dad qurba-joog ah oo hadba adeegsada luqadaha looga hadlo Dalalka ay dhalashooda heystaan.

Waa guul lagu naaloon karo, waana hore u socod loo baahnaa in lagu dhaqaaqo, arintaan qaaliga ah waxaa abaal looga hayaa oo Amaanteeda iyo Bogaadinteeda iska leh Ra’iisul wasaare Kheyre oo xil gaar ah iska saarey sidii loo daryeeli lahaa afkeena hooyo.

Did you find apk for android? You can find new Free Android Games and apps.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.