Wakiilka QM Keating oo kulamo la qaatay Madaxweyne Siilaanyo

0
Want create site? Find Free WordPress Themes and plugins.

Wakiilka Gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia , Danjire Michael Keating ayaa waxuu shaaciyay in uu kulan la qaatay Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland, Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo).

Danjire Michael Keating ayaa waxuu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu kala hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen doorashada Madaxtinimo ee dhawaan la filaayo in laga qabto deegaanada hoos yimaada Maamulka Soomaaliland.

Waxaa sidoo kale uu Mr Keating intaasi ku daray in kulanka uu la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo lagu soo hadal qaaday abaaraha xoogan ee ku dhuftay Degaanada hoostaga Maamulkaasi.

Danjiraha ayaa xusay in arimaha laga hadlay ay qeyb ka ahaayeen in shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Danjire Keating waxuu qeexay in Qaramada Midoobay kaalin muuqata ay ka qaadan doonto horumarka Degaanada Maamulka Soomaaliland.

Sikastaba, kulanka Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa imaanayaa xili dhawaan la qorsheenayo in doorashada madaxtinimo ee Maamulkaasi lagu qabto Degaanada hoostaga Maamulkaasi.

Did you find apk for android? You can find new Free Android Games and apps.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.